• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO):- Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda wey kala socdaan, waana kala hiigsi !!!

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 13, 2015
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Saansaanta Dowladnimo ee haatan waxay u  muuqata Nidaam Ugub ku ah Ummadda Soomaaliyeed, maadaama aysan abid soo arkin, kuna soo kacaamin Dowlad Federal ama kuwa Gobaleedyadda ee aan isku meeqaamka ahayn.

Burburkii Dowladnimo ee bilowgii sannadkii 1991-kii ayaana loo aaneeyaa inay ka soo faruurmeen caqabadaha iyo colaadaha hubeysan iyo kuwa siyaasadeed ee ka aloosan dalka Somalia.

Dowladihii KMG ee sida Taxanaha  marba xilalka u kala wareegayey ayaa ku guuleysan waayey inay bud-dhig cusub u sameeyaan Meertadda Siyaasadeed iyo Nidaamka Dowladnimo ee looga bixi karo Xilligii Adkaa ee la soo maray.

Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee uu ka dhexeyeey Loolanka Siyaasadeed ayaa lagu qanciyey inay dhisaan Dowlad u gogol-xaarta Nidaamka Federalka ee loogu talagalay inay ku dhaqmaan dadka ku wada nool halka Qaran, balse kala dhaqanka  iyo diinta ah.

Dowladaha Beesha Caalamka ayaana olole xooggan iyo dhaqaale ku bixiyey  sidii ay Hoggaamiyayaasha Soomaalida u taageeri lahaayen Nidaamka Federalka, inkastoo aan weli lagu caano-maalin Toobiyaha Federalisimka.

Waxaa lagu guuleysan la’ yahay sidii loo taabo-gelin lahaa Tiirarka Federalismka, gaar ahaan Dhismaha Dowlad-gobaleedyadda, Dhamaystirka Dastuurka Qabyadda, Isku-dhafka Ciiddamadda, Xuduudaha  Dowlad-gobaleedyadda, Saami-wadaagga Kheyraadka iyo qoddobadda kale ee bud-dhigga u noqon kara Mideynta Wada-shaqeynta Sharciyeysan ee Dowladda weyn ee Federalka iyo kuwa Goballadda.

Is-faham la’aan xooggan, Isbaaro Siyaasadeed, Is-fashilin, Khilaaf-siyaasadeedyo la soo abaabulo, mooshino danno beeleed iyo mid dhaqaale lagu hoosaasinayo iyo Nidaamka  La-hoggaaminta (Co-leaders)-ka ayaana laga dheehan karaa sababaha ay Dowladda Federalka u hiigsan la’day inuu Maamulku wada gaaro Goballadda Somalia.

Qalad-siyaasadeedka iyo La-hoggaaminta haatan la iskula dhegan yahay Isteerinka waa dhaqan-xumo  loo baahan yahay in laga gudbo, lana sameeyo Sharuuc Qaran oo kala xadida, isla markaana kala jiheeya  Dowladda Dhexe ee Federalka iyo Dowlad-gobaleedka ee u muuqda inay iska barbar shaqaynayaan..

Madaxda Dowladda Federalka oo iyagu ah Hoggaamiyayaasha Qaranka ayaa loo baahan yahay inay gartaan Xilalkooda iyo inay ku mintidaan sidii ay waayo-aragnimo uga heli lahaayeen xalka Khilaafyadda  inta badan dib u soo laba kacleeya.

Lama tiro-koobi karo inta jeer oo ay isku dhaceen Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedka Puntland iyo tallaabooyinka ay Beesha Caalamka ugu kala dab-qaadeen, si loo xaliyo khilaafyadda la siyaasadeeyo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Maamulka  Puntland yahay Mucaaradka ugu weyn ee sida tooska iyo sida dadban u mucaaradsan  Dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, iyadoo ay Maamulka Puntland  carqalad aan dhamaad lahayn ku hayaan Qorshaha Dowladda Federalka, ballaarinta Awoodda Dowladda Dhexe  iyo Taaba-gelinta Dowlad-gobaleedyadda dhismayo.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud waa Mas’uulka ugu sarreeya Haykalka Dowladeed ee  Somalia oo ay Beesha Caalamnka aqoonsan yihiin, laakiinse  Madaxda Puntland waxay u wajahaan sidii Madaxweyne la fil ah C/weli Gaas. Taasina waa arrin aan haba yaraatee garowshiyo lahayn,

Madaxweynaha ayaa la sheegaa inuu Siyaasad Furfuran ku qaabilo, kuna dhegeysto codsiyadda Madaxda Dowlad-gobaleedyadda, inkastoo ay Siyaasiyiinta Qaranka  saluugsan yihiin  tallaabada uu Madaxweynaha ku oggolaaday inay Madaxda Maamul-gobaleedyadda kala qeyb galaan Kulamada uu la qaadanayo Madaxda Caalamiga.

Waxaa  la xusuusan yahay Kulankii uu Madaxweynuhu uu bishii hore la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marayaknka, John Kerry oo ay kala qeyb galeen Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, K/galbeed iyo Maamulka KMG ee Jubba,

Xeel-dheerayaasha u dhuun duleela siyaasadda Madaxweynaha Puntland, ayaa sheega inuu yahay Hoggaamiye jecel inuu xaallad kasta ku siyaasadeeyo waxa uu u arko Danaha Maamulkiisa.

Madaxweyne Gaas waxa kaloo uu  Isbahaysi dhow la xirtay Madaxda Maamul-gobaleedyadda Jubba iyo K/galbeed, si uu taageero ugu helo cadaadis-saar kasta oo lala maagan yahay Dowladda Dhexe ee Federalka

Isbahaysiga noocaasi waxa ifafaalihiisa laga dareemay qaabka uu Madaxweyne Gaas uga gaagaxay Mooshinkii ay Xildhibaanadda Qaranka ku kala direen  Barlamaan-gobaleedka Maamulka KMG ee Jubba.

Xeeldheerayaasha waxay  rumeysan yihiin inuu Madaxweyne  Gaas  Isbahaysi siyaasadeed iyo mid ehelnimo  u muujinayo dhigiisa Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe inuu ku taageero qaddiyad kasta, oo ay ugu dambeysay mooshinkii ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ku kala direen Barlamaanka KMG ee Jubba.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas iyo Axmed Madoobe waxay kiish dhexda ka duleela ku gurayaan Dakhliga Malaayiinta Dollar ee toddobaad kasta ka soo xerooda Dekeddaha Bosaaso iyo Kismaayo, waxayna ka biyo diisan yihiin inay Dowladda Federalka saami ka siiyaan Dakhligaasi, si loogu furdaamiyo Adeegyadda Qaranka.

Maamulladda Gaas iyo Axmed Madoobe iska dhaafee inay Dowladda Dhexe wax yar ka siiyaan Dakhliga Dekeddaha, waxay u xusul-duubayaan in saami laga siiyo Taageeradda Dhaqaale ee ay Beesha Caalamka ugu deeqaan Dowladda Federalka.

Hab-dhaqanka Kula Lihida Waxaaga iyo Igar-siyaasadeedka wax lagu hoggaaminayo waxay muujinayaan inaan si wadajir ah daacad looga ahayn Hiigsiga Nabadda, Horumarka iyo Federalismka.

Markaynu isku soo duubno, xiriirka liita ee u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Maamulladda Puntland iyo Jubba waxaynu ka dareemi karaan inay yihiin Dowladdo kala socda, Oggol-diidan isku ah, misna kala hiigsi ah.

WQ: Hassan Ali Osman “Istiila”

Twitter @hassanistiila

Previous Post

Frankfurt: Dacwadda loo haysto rag Soomali lala xiriirinayo Alshabaab oo socon doonta ilaa bisha August

Next Post

Ciidamadda NISA Oo Howlgalo Ka Sameeyay Degmadda Hodan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Ciidamadda NISA Oo Howlgalo Ka Sameeyay Degmadda Hodan

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00