Frankfurt: Dacwadda loo haysto rag Soomali lala xiriirinayo Alshabaab oo socon doonta ilaa bisha August

Maxkamadda magaalladda Farankfurt ee dalka Jarmalka waxaa shalay ka furantay dacwad loo haysto Shan dhallinyarro Somali Jarmal ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay ka soo barbar dagaalameen Alshabaab.

Dacwad-oogaha Dowladda Jarmalka ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha socdaal ku tageen Somalia, kana  qeyb qaateen Hawlgalladda Alshabaab, isla markaana ay cabsi ku hayaan amamanka Jarmalka, waa sida uu hadalka u yiri.

Eedeysanayaasha oo ay da’dooda u dhexeyo 23 ilaa 31 jir ayaa la sheegay inay beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyey.

Xeer-ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay inay dhegeysiga dacwadda sii socon doonto ilaa dabayaaqadda bisha August ee sannadkan.

Dhinaca kale, Dowladda Jarmalka ayaa ka walaacsan Muwaadiniintooda ku biiraya Kooxaha Islaamiyiinta, gaar ahaan Kooxda Daacish.

Waxay kaloo Dowladda Jarmalka kordhisay xilliga loo qabtay inay taageero u fidiyaan dadka Jarmalka ee doonaya inay ka soo baxsadaan Kooxda Daacish.

Xigasho: AAWSAT

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor