Boliska Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga waxay Xabsiga dhigeen 13 Mukhalas oo badankooda ah Soomaali, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay Tahriibayaasha dhinaca Badda ka soo gala Talyaaniga ay u sii gudbin jireen dalalka kale ee Europe.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Iskaashiga Garsoorka Europe ee EUROJUST ayaa sheegtay inay Baaritaanka bilaabeen sannadkii hore, kadib, markii 545 Tahriibayaal Somali ah laga soo badbaadiyey Badda la dejiyey magaalladda Salerno ee Talyaaniga.
EUROJUST waxay sheegtay inay dabagal ku sameeyeen Telefoonadda Mukhalasiin fadhigooda dhexe yahay Europe, kuwaasi oo Tahriibayaasha u fududeyn jirey inay Talyaaniga uga sii gudbaan dalalka kale ee ku yaalla Waqooyiga Qaaradda Europe.
Hawlgalka lagu soo qabtay 13-ka Mukhalas ee badankooda Somalia waxaa ku jira Nin ay Boliska Talyaaniga ku sheegeen inuu ahaa Hoggaamiyaha Kooxdaasi oo asal ahaan Somali ah, balse haysta Dhalashadda dalka Jarmalka.
Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa loo fududeeyey Nambaradda Telefoono si taageero looga siiyo inay u sii socdaalaan dalalka Waqooyiga Europe, oo ay ku jiraan Jarmalka, Austria, Denmark, Sweden, Belgium, Holland iyo Norway.
©Radio Dalsan