98 Somaali laga soo masaafuriyey Maraykanka ayaa shalay la keenay magaalladda Muqdisho, iyadoo ay ilaalo xooggan ka hayeen Ciiddan ka tirsan Hayโadda Dembi-baarista Maraykanka ee FBI-da.
Waana qeybtii Labaad ee Soomaalida laga soo masaafuriyey Maraykanka ee soo gaara Muqdisho, iyadoo isbuucii hore 5 Nin oo asal ahaan Somali ah lagu soo celiyey Muqdisho.
Dadka shalay lagu soo celiyey Somalia ayaa la sheegay inay isugu jiraan kuwo loo diiday
codsiyadooda Magangelyo-doonka iyo kuwo jebiyey Sharciga dalkaasi oo soo dhamaystay Xukuno horey loogu riday.
Tallaabadda lagu soo celiyey dadkaasi ayaa ku soo beegantay Amarka uu Madaxweyne Trump ku hakinayo dadka Dal-ku-galka hayusta ee ka kala imaanayo dalalka Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Iraq iyo Iran.
ยฉRadio Dalsan