Faahfaahin: Qoyskii Soomaalida ee ku geeriyooday magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Iyadoo ay Idaacadda Radio Dalsan iyo Shabakadda Wararka ee la mataanaysan ee www.radiodalsan.com noqdeen  Warbaahintii ugu horreysay ee ku hadasha Afka Soomaaliga ee laga baahiyey Dhacdada la xiriirtay Qoyska Soomaalida ee ku geeriyootay Degmadda Aljameeco ee ka tirsan magaalladda Jeddah ayaa waxaa arrintaasi faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Diplomaasi ka tirsan Qusulliyadda Soomaaliya ee magaalladda Jeddah.

Madaxa Qunsulliyaddaasi ugu qaabilsan Xiriirka Dadweynaha, Nuur Ugaas Maxamed “Gaataa ayaa galabta Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da waxa uu ku xaqiijiyey geerida Qoyskaasi ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo 3 carruur ah oo kan ugu weyn 6 jir ahaa.

Diplomaasigaasi waxa uu tilmaamay inay qoyskaasi ku caburmeen Qiiq  ka dhashay qarax uu sameeyey Qaboojiyaha “Mukayfka ama Air Conditioner” ku rakibnaa mid ka mid ah qolalka ay Qoyskaasi deganaayeen.

Mar wax laga weydiiyey magacyadda Waalidka qoyskaasi geeriyooday waxa uu sheegay in Lammaanahaasi la kala oran jirey Faarax Abuukar Cali iyo Ayaan Cumar C/llaahi.

Allaha U Naxariisto, Qoyskaasi ayaa la filayaa in la wada aaso, marka ay Hay’addaha Baaritaanka iyo kuwa Ammaanka ee Sacuudiga soo dhamaystiraan baaritaankooda, lagana helo Oggolaanshaha Aaska Marxuumintaasi.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor