FAAHFAAHIN: Maraykanka oo duqeyn ku dilay Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Kabtan Jeff Davis ayaa sheegay inay maalmihii Isniinta iyo Talaadadii shalay labo weerar ka geysteen Waqooyiga magaalladda Kismaayo, iyagoo taageero siinayey Ciiddanka Dowladda Federalka.

Waxa uu intaasi ku daray in duqeymahaasi laagu dilay 12 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaabka ku sugan Jubbooyinka.

Waa duqeymihii ugu dambeeyey ee ay Milliteriga Maraykanka la beegsadaan Fariisimadda Xarakadda Alshabaab ee Isbahaysiga la ah Ururka Alqaacida.

Bishii la soo dhaafay, Maraykanka waxay duqeymo la beegsadeen Xeradda Tababarka ee Raaso oo ay Alshabaab ku leeyihiin duleedka Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan, kuna dileen in ka badan 150-qof, sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka, Kabtan  Jeff Davis.

Xeradda Tababarka Raaso waxay ku-dhawaad 120 Mayl dhanka Waqooyi kaga toosan tahay magaalladda Muqdisho.
@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor