Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa Maqribkii waxa ay Duleedka Muqdisho ay ku dileen Wariye ka howlgali jiray Radio Daaru Sunna oo kau yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada muqdisho.
Wariyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Nire Xaanshi,waxana Wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa Agaasime ku xigeenka Idaacadda Daaru Sunna ee Ceelaha Biyaha.
Xilliga la dilayay ayaa waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogeen Xaruntiisa Shaqada oo ku taalla Xarunta Dahabshiil ee deegaanka Ceelasha Biyaha sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Raggi ka dambeeyay dilka Wariyaha ayaa Goobta ka baxsaday,waxaan weli la ogeyn sababta loo dilay wariyaha.