Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ruqseeyay 7 Sarkaal oo dhawaan shir Jaraa’id ay qabteen dhaliila u jeediyay hab maamulka Madaxweynaha Puntland,isla markaana ay ka soo horjeesteen shirka Golaha Iskaashiga.
Hoos ka Akhriso wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 Sarkaal oo katirsan Ciidanka Daraawiishta
Ujeedo: Rukhso Saraakiil
Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah.
- G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)
- G/Sare Maxmed Cali Qase
- G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)
- G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)
- G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)
- G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)
- Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)
-DHAMMAAD-