Wararka aan ka heleyno Degmada Wala-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi lagu dilay wadaad caan ka ahaa Degmadaasi.
Wadadkan la dilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray macalim Nuur Cismaan Bilaal,waxaana uu tafsiirka qur’aanka ka aqrin jiray masjid ku yaalla Degmada Wala-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Wala-weyn ayaa waxa ay sheegeen in dilka wadadka uu yimid kadib markii gurigiisa xalay ay kala baxeen ciidamo aan la garaneynin waxa ay yihiin,isla markaana ay dileen wadaadka caanka ahaa.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war oo kasoo baxay maamulka Degmada Wala-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ee ku aadan dilkan xalay loo geystay macalim Nuur Cismaan Bilaal oo tafsiirka qur’aanka ka aqrin jiray masjid ku yaalla Dagmadaasi.