Faah faahin:-Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4, isla markaana waxaa shilkaas ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah.

Goobjoogaal ayaa ku warramay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari nooca raaxadda oo ku socday xawaare ah, xili ay isaga horyimideen Isgoyska KM-4, sidaasina uu ku dhacay.

Gaariga ku dhacay Mooto Bajaajta ayaa waxaa watay rag dhalinyaro ah, waxaana halkaas ku dhaawacmay laba qof la socday Mootada, iyadoona durbo loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaasi oo inta badan loo sababeeyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo si xawaare sare ah loo wado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media