Roobab dabeylo wata oo ka da’ay Gobolo ka tirsan Puntland iyo cabsi jirto

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ayay Roobab xoogan oo dabeylo watay, ayna  roobabka ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in roobabka ay si daran uga da’een deegaano kamid ah Gobolada Sanaag, Gardafuu iyo Karkaar ee Puntland, waxaana halkaas laga maqlayay Gugaca roobka uu la socday Hilaac.

Dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Gardafuu iyo  Karkaar ayaa waxaa ay sheegeen in Roobka oo watay dabeylo xoogan deegaanada laga dareemay, isla markaana aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo dadka kasoo gaaray, hayeeshee dadka deegaan ay dareemayaan cabsi xoogan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in deegaanada Xeebaha ee Gardafuu ay ka jiraan duufaano oo qaarkood la tegay qalab kala duwan oo ay lahaayeen kalluumeysato ku sugan halkaas.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in roobab dabeylo wata ay kusoo wajahan yihiin Gobolo ka tirsan Dalka, isla markaana Duufaano ay ku dhufteen xeebaha Soomaaliya iyo gobalada dalka qaarkood, iyadoo dadka degan dhulka xeebaha looga digay inay ka fogaan halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media