Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Khasaaro geystay oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybo kamid ah Degmada Dharkeenley.
Qaraxaas oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari nuuca raaxada ah ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inuu qarxay xili uu marayay Xaafadda Salaam ee Degmada Dharkeenley,waxaana ku geeriyooday darawalkii waday gaariga oo la tilmaamay inuu ahaa Wiil dhalinyaro ah.
Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo saarnaa gaariga,kuwaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho si loogu dabiibiyo xaaladooda Caafimaad.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,isla markaana ka sameeyay baaritaano la xiriira qaraxaas,waxaana inta uu socday baaritaanka hakad galay isku socodkii ka jiray halkaas,wallow markii dambe uu dib u soo laabtay.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.