Faah Faahin:-Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo daqiiqado ka hor ka dhacay wadada Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Wheliye ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in ay arkeen ku dhawaad 10-qof oo meyd ah iyaga oo sheegay in ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin,dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa maqaayadaha la weeraray.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray dhismayaasha maqaayadaha la weeraray,dhinaca kalana waxaa weli socda gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas,hay’adaha amniguna waxa war ah kama soosaarin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media