Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sharaxaad ka bixiyay isbedelada dhinaca amniga oo todobaadyadii la soo dhaafay laga dareemayay Magalada Caadimadda ah ee Muqdisho.
Waxa uu sheegay Tuulax in Ciidamada Booliska ee dhawaan laga howlgeliyay Magalada Muqdisho ay wax badan ka bedeleen dhanka Amniga,isla markaana dadka Shacabka ah ee ku nool Magalada muqdisho ay dareemeen.
Isaga oo wareysis iinayay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayuu sheegay in xilligaan Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir ay socon karaan xilligii ay doonaan taas ayuu sheegya inay cadeyn u tahay isbedelka amni ee ka jira Magalada Muqdisho.
“Howlgallada ay ciidamadu sameeyeen ayaa ku suurtagashay in amniga uu hagaago,waxaana jirtay in ciidamadu ay tageen goobo aysan horay u tegi jirin oo ku taalla degmada wadajir,waxayna aheyd meel hubka lagu keydsado dadkii goobtaas joogayna ciidamada tallaabo ayay ka qaadeen ayuu yiri guddoomiye Tuulax.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in Magalada Muqdisho ay mamnuuc ka tahay in laga helo Goobo hubka lagu iibiyo(Cirtoogte ah) cid allaala cidii lagu arkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Hadalka Guddoomiy ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ku soo aadaya xilli Magalada Muqdisho lagu soo daadiyay Ciidamo farabadan oo boolis ah kuwaas oo howlgallo amni xaqiijin ah ka wada.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Tuulax.