Faah faahin:-Nin hubeysan oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa gelinkii Maanta waxaa ay toogasho ku dileen Nin ku hubeysnaa Bam Gacmeed.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Ninkaas lagu dilay kasoo horjeedka Xarunta MCH-ka degmada Shibis, xili halkaas lagu qabtay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninka hubeysan uu damacsanaa inuu fuliyo weerar Bam Gacmeed ah, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa la sheegay inay ka hortegeen.

Sidoo kale Salaadii Maqrib ee Caawa ayaa waxaa Isgoyska afarta darjiin ee Magaalada Muqdisho Ciidamo ku sugnaa lagu weeraray Bam Gacmeed, in kastoo weli aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana inta badan Mas’uuliyada falalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media