Qof looga shakisan yahay inuu qabay Coronavirus oo ku dhintay G/Gedo

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeeshay xanuunka safmarka ah ee coronavirus, kaddib markii dad looga shakisanaa inay cudurka qabeen ay ku geeriyoodeen halkaas.

Howl wadeennada caafimaadka ayaa ka walaacsan in aysan heysanin qalab lagu baaro Covid-19, iyagoo sheegay inaysan garan karin in xitaa uu magaalada ku dhex jiro xanuunka.

Dr Axmed Caddaw Maaddey, oo ah isuduwaha Caafimaadka ee degmada ayaa BBC-da u sheegay in qof ay aad uga shakiyeen inuu cudurka ku dhacay uu ku geeriyooday Beledxaawo.

“Ilaa hadda kiisas xaqiiqo ah ma heyno, shaki wuu iska jiraa. Ilaa hadda saddex ruux baan ku tuhunnay inay xanuunka qabeen. addexda ruux, qof ka mid ah isbitaalka ayuu yimid, wuu xanuunsanaa, waqti buu joogay, laakiin habeen buu isaga baxay isagoo aan laga war heynin, hal habeen kaddibna wuu geeriyooday”, ayuu yiri Dr Axmed.

Hase yeeshee wuxuu sheegay inay soo gaareen warar ku saabsan inuu ninkaas xanuunno kale qabay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media