Faah Faahin: Nabaddoon Goordhaweyd lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Faah faahinno ayaa laga helayaa dil goordhaweyd loogu gaystay Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda Soomaaliya Nabaddoon, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Nabaddoon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye goordhawyd lagu dilay gudaha suuqa  Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kooxo ku hubaysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka Nabaddoonka, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray Cidamada ammaanka kuwaasi oo sameeyay howlgallo.

Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye ayaa ahaa Nabaddoon iyo Ganacsade si weyn looga yaqaannay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Inta badan dilalka noocaan ah ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho ee Caaasimadda Soomaaliya, waxaana tiro dhowr jeer ah dilal loogu gaystay  Muqdisho.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor