Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Garoowe

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland  Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Madaxa Siyaasadda u qaabilsan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Xafiiska Puntland,  Galetshajwe Rebagamang.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha, dhammeystirka dar-dar gelinta hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland.

Madaxa Siyaasadda UNSOM ee Puntland ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee Dawlad Goboledka Puntland qabtay.

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa uga mahadceliyey wefdiga UNSOM wada-shaqeynta wanaagsan ay la leeyihii Dawladda Puntland

About Webmaster

View all posts by Webmaster