Faah faahin kasoo baxeysa Israsaaseyn khasaaro dhalisay oo ka dhacday Ceelwaaq

Ciidamo ka wada tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay barqanimadii Maanta Israsaaseyn khasaaro geysatay ku dhexmartay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Israsaaseynta ay timid, kadib markii Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland oo qaadayay mushaar uu muran soo kala dhex-galay, kadib markii Saraakiisha ciidamada ay damceen inay ciqaabaan Askartaasi oo tiro ahaan gaarayay 4 Askari.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay Israsaaseynta ka dhacday degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, sida ay sheegeen Saraakiil ciidan.

Ciidamada ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa xilliyada qaarkood waxaa dhexmara dagaalo geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kuwaasi oo inta badan ku yimaada murano soo kala dhex-gala.

About Webmaster

View all posts by Webmaster