Mareykanka cunaqabatayn kusoo rogay Ganacsade caan ah iyo sababta keentay

Dowladda Mareykanka ayaa khamiistii cunaqabatayn kusoo rogtay ganacsadaha caanka ee Turkish-ka ah Sitki Ayan, oo lagu eedeeyey inuu ka howlgaley shabakd ganacsi oo maamuleysay saliid lagu qiimeyey boqolaal milyan oo dollar oo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Iran.

Ayan, oo ku dhow madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wiil uu dhalay Ayan, iyo sarkaal ciidan ayaa lagu daray liiska cunaqabataynta wsaaaradda maaliyadda Mareykanka.

Waxaa la hakiyey hanti kasta oo shaqsiyaadkaas ka taalla Mareykanka, waxaana lagana mamnuucay inay galaangal ku yeeshaan suuqyada maaliyadeed iyo ganacsiga adduunka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in Ayan uu ka caawiyey Guutada Quds oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah fududeynta iibka saliid ay maamusho oo la geeyey Shiinaha, Bariga Asia, Yurub iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu gacan ka gaystay in lacagta kasoo baxday iibka uu gaarsiiyo Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayey tiri wasaaradda maaliyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor