Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah waxaa la horgeynayaa Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray marxuumad Luuq Cabdicasiis.
Fadhiga 3-aad ee dhageysiga kiiska eedeyaane Sayid Cali ayaa waxaa qorshuhu yahay in la dhageysto difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay.
Maxkamadda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha, waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.
Sayid-Cali ayaa hore u dalbaday maxkamadda Racfaanka, kadib markii uu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda gobolka Banaadir ay horrey ugu riday.