Faah Faahin Kasoo Baxaysa Dagaal ka dhacay Degaanka Qalimow ee Shabeelaha Dhexe.

Wararka ay Dalsan ka heleyso Shabeelaha Dhexe gaar ahaan degaanka qalimow ee gobolkaas ayaa ku waramaya in dagaal xoogan xalay uu ka dhacay degaankaas oo 30Km oo jira xarunta gobolka ee Jowhar kadib weerar ay ku qaadeen halkaas dagaalyahaano katirsa Al-shabaab fariinsin Ciiddamadu kulaahyeen Qalimow.

Warar kala duwan aya kasoo baxaya qasaaraha uu geestay dagaalkaas waxaana lasoo warinayaa waxyeelo ka dhalatay dagaalka oo la sheegayo inay ku dhinteen Seddex ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay iyadoo ay ku dhaawacmeen Afarkale oo dadka degaankaasi oo ay dhibaato kasoo gaartay Dagaalakaas oo la’isku adeegsanayey hub culus sida ay warbaahinta usheegeen dadka degaanku.

Majirto war ay ka bixiyeen dagaalkaaas saraakiisha ciiddamada dowlada ee gobolka shabeelaha dhexe waxaana saakay xaaladu ay tahay mid dagan iyadoo ay dib ulaabteen dagaalyahaanadii soo weeraray Qalimow.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media