Yuhuudda oo qorsheynayso inay mamnuucaan Aadaanka salaadda subax ee Masaajidda.

Guddiga Sharciga ee Golaha Wasiirdda ee YUhuudda ayaa meel mariyey Sharci qabyo ah oo ay uga dan leeyihiin inay ku aamisiyaan Aadanka Salaadda ee laga baahiyo Minaaradda Masaajida ku yaalla gudaha dhulalka ay Yuhuudda xoogga ku haystaan

Hadal-qoraal oo ay Guddigaasi soo saareen ayey ku sheegeen in sharcigaasi mamnuucayo in Samaacadaha Masaajidda laga aadaamo laga bilaabo 11:00 Fiidnimo ilaa 07:00 Aroornimo maalin kasta,. waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Barlamaanka Yuhuudda ee Kenesedka ayaa la filayaa inay maalinta Arbacadda soo socota ansixiyaan Sharcigaasi lagu caburinayo inay dadka Muslimiinta ku nool Yuhuudda ay Masaajidda ka aadaamaan Saladda Subax.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media