Nigeria oo sheegtay inay Madaxweyne Farmaajo kala shaqeyn doonan Dib-u-habaynta Ciiddanka iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Ku-simaha Madaxweynaha dalka Nigeria, Yemi Osinbajo waxa uu Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ugu hambalyeeyey Doorashadiisa xilk Madaxweynah JFS.

Waxa kale oo uu bogaadiyey Dadka Soomaalida ee ku guuleystay Nidaamka Doorashadda, kuna tilmaamay inay Tallaabadaasi muhiim u tahay in lagu midoobo Dimuqraadiyadda iyo in si buuxda loo soo celiyo Sharcig iyo Kala-dambaynta.

“Guusha Doorashadda waxay tahay guul Taariikhi ah oo u soo hooyatay Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan iyo Guud ahaan Dadka Afrikaanka” ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha Nigeria.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Hadafkaasi yahay sidii ay Nigeria ula wadaagi lahaayeen Dadka Soomaaliyeed.

Wargeyska Nigerian Tribune ayaa soo xigtay War-saxafadeed uu Afhayeenka K/S Madaxweynaha Nigeria shalay ka soo saaray caasimadda dalkaasi ee Abuja ayaa lagu sheegay inay Dowladda Nigeria ka go’an tahy inay sii wdan Taageerdda ay Dadka Soomaaliyeed ka siinayaan dhinacyadda Nabadda, Deganaanshaha iyo Horumrinta.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Laolu Akande waxa kale oo uu tilmaamay inay Dowladda Nigeria kala shaqeyn doonaan Madaxweyne Farmajo qeybaha kale ee muhiimka ah iyo inay wadaagaan Danaha iyo Walaaca labada dhinaca sida La-dagaalanka Alshabaab iyo Dib-u-habaynta Waaxda Ammaanka iyo Ciiddanka.

Dhinaca kale, Ku-simaha Madaxweynaha dalka Nigeria, Yemi Osinbajo waxa kale oo uu ammaanay Dadaalka guuleystay ee ay Ciiddanka Ammaanka Somlia iyo kuwa Hawlglka AMISOM ku hubiyeen Ammanka muddadii ay socdeen Nidaamka Doorashadda.

Ugu dambeyntii, waxa uu u rajeeyey Dowladda cusub ee Somalia inay Xasillooni waarta iyo Barwaaqo u horseedaan dadka Soomaaliyeed.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media