Wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS oo gaaray Buulabarde

Wafti wasiiro iyo xildhibaano  isugu jira oo ay hoggaamineeyso Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya  Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa gaaray Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Waftiga waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo  Macdanta  C/risaaq  Maxamed Cumar Wasiirka Haweenka  iyo xaquuqul insaanka fadaraalka iyo xubno kale.

Waftiga ayaa Buuloburde u tagay sidii loo dhiiri galin lahaay Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor