Madaxweyne Lafta-gareen oo si Deg-deg ah uga hadlay dilka Guddoomiyihii Qoryooley

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Al-shabaab kula beegsatay Degmada Qoryooleey.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan  Alle ha u naxariistee marxuum Siid Cali Ibraahim Xasan Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku Timid Marxuumka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftafareen ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la qarxiyey xilli uu Maanta ku sugnaa gudaha Degmada ee Maamulka ka ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor