Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsaan Degmadaasi iyo qof shacab ahaa
Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda Koodka,isla markaana Ragg hubeysan ay toogteen Guddoomiyihii Waaxda Horseed ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyo qof kale oo shacab ah,kaasi oo ku sugaan xiliga uu dilka ka dhacayay goobta.
Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa durbo goobta ay ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay goobta uu dilka ka dhacay ay gaareen,iyagoo halkaasi ka Meydka Guddoomiyihii Waaxda Horseed ee Degmada Xamarweyne.
Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa Caawa howlgalo amniga lagu xaqijinayo waxa ay ka wadaan Xaafaddo ka tirsan Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada iyo dadka shacabka ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.