Madaxweyne Saciid Deni oo kala diray Golihii deegaanka Degmada Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 54 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay:  Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor