Wararka laga heleyno deegaanada Buuraleyda Goolis ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay duqeyn ka fuliyeen diyaarado dagaal.
Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in Buuraleyda Goolis ay ka fuliyeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah.
War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday July 27, 2019,isla markaana lagu dilay Ruux ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Buuraleyda Golis.
Sidoo kale duqeyntaasi ayaa la xusay Ineysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka ka soo gaaray.