Labo dhul-gariir aayaa la sheegay inuu saakayto ruxay qeybo ka mid ah Jesiiradaha ku yaalla Waqooyiga dalkaasi.
Guddoomiyaha degmadda Batanes, Marilod Kayko oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay inay 8 qof ku geeriyootay, 60 kalena ku dhaawacmeen Labada dhul-gariir ee ka dhacay Jesiiradda ugu weyn Waqooyiga dalkaasi ee Luzon Island.
Dhul-gariirka 1-aad waxaa halbeegiisa lagu sheegay 5.1 Rektar Iskeel, kaasi oo waxyeelo u geystay Kaniisad qadiimi ah iyo dhowr guri.
Dhul-gariirka 2-aad ayaan la sheegin haddii uu burbur dhismooyin geystay.
Dalka Filibiin waxa uu u nugul yahay inay ka dhacaan Dhul-gariirka, iyadoo kii ugu khasaaraha badnaa uu sannadkii 1990-kii ka dhacay Waqooyiga dalkaasi, waxaana ku geeriyooday ku-dhawaad 2,000 oo qof.