Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa ku dilay Magaalada Muqdisho wiil la sheegay inuu dhalinyaro ahaa.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa Wiilka dhalinyada ahaa u geystay rag watay Bastoolado,isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.
Sidoo kale kooxihii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana Meydka Marxuumka ka qaaday halkaas dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayan in Marxuumka lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cadaawe Cabdulle Farey,isagoo kamid ahaa dadka deegaanka Xaafadda Arjantiin ee Degmada Kaaraan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.