Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan,kadib markii uu soo gaaray Muqdisho.
Warar ay heshay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiir Janan xiliga la qabanayay uu ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uuna ka yimid Kismaayo,isla markaana kusii jeeday Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Sidoo kale Wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Horey ayaa Booliska Soomaaliya waxaa uu Cabdirashiid Nuur Janan ugu soo oogay dembiyo kala duwan,isla markaana waxaa la sheegay in uu jiray amar lagu bixiyay in la soo qaban karo,sidoo kalena la horkeeni karo Maxkamad.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kal horey laashay Go’aankii dacwada looga gudbiyay Wasiira amniga maamulka Jubbaland iyo amarkii lagu bixiyay la soo qabto,kadib warqad ka soo baxday Bishii April ee sanadkan Maxkamada Gobolka Banaadir.