Dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa haatan ka socda deegaanka Holdooyaale ee Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso halkaas.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo ku yaalla Holdooyaale, waxaana maleeshiyaad hubeysan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramay in dagaalka oo bilowday barqanimadii Maanta uu weli socdo, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaasta, uuna jiro khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhaawacyada oo si dhib ah looga soo qaaday aaga dagaalka ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Gobolka Mudug, waxaana xaaladda ka jira deegaanka Holdooyaale ay taha mid adeg, maadaama uu weli dagaalka socdo.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaanka Holdooyaale ka taagneyd xiisad u dhexeeysa labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya, taas oo la isku dayay in xal laga gaaro, balse lagu guul-dareystay, waxaana labada dhinac horey u dhexmaray dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ku soo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana bishaan November Magaalada Caabudwaaq iyo deegaano kale ka dhacay dilal la xiriira aano qabiil.