Faah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Marka

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo socday muddo ku dhow 40 daqiiqo.

Dagaalkaas ayaa sigaar ah waxaa uu u dhexmaray Ciidanka Milateriga dowladda ee 14-ka Otoobar iyo kuwa Nabadsugida Marka, iyagoo isku adeegsaday hub Culus, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Ganacsiga Magaalada, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka xalay dhacay oo soo kala gaaray Ciidanka 14-ka Otoobar iyo kuwa Nabadsugida, waxaana halkaas ku dhintay laba Askari, halka dhaawacyo uu jiro, wallow ayaa caddeyn inta uu la egyahay.

Lama oga waxa uu salka ku haayay dagaalkii ka dhacay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu la xiriiray muran soo kala dhexmaray labada dhinac, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmadaas iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media