Jugta dhowr qarax ayaa xalay laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ahaa kuwo isku xig-xigay, isla markaana dadka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku abuurtay khal-khal amni.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in qaraxyadii dhacay Muqdisho marka laga reebo midkii xerada Nac-naca ay ahaayeen kuwo dheemish ah ama walxaha aan dhibaatada geysan.
Saraakiisha ayaa intaas kusii daray in qaraxayadaas dheemiska ahaa lagu doonayay in lagu khal-khal geliyo ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona tilmaamay in laga hortegayo wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.
Fiidkii xalay ayey aheyd markii qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa uu isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo safaf dheer ugu jiray inay qortaan Askarnnimo, kuwaasi oo ku sugnaa xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee taalla degmada Wadajir.
Qaraxyadii ka dhacay xalay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday, iyada oo todobaadkii hore qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ahaa ay ka dhaceen Isgoyska Soobe, isla markaana ay ku dhinteen 119 qof, halka 300 qof kalena ay ku dhaawacmeen, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaas dhacay.