Dowladda Ethiopia ayaa ka shanqarisay inay dad ku sugan dalalka Eritrea, Masar iyo dalal kale hubeynayaan, tababarayaan, maalgelinayaan Kooxaha Kacdoonka iyo Dibadbaxyadda ka wada Goballadda Oramiya iyo dulkeedka ku xeeran caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.
Afhayeenka Dowladda Ethiopia, Getachew Red ayaa maanta Shir Jaraa’id ka sheegay inay jiraan dalal gacan toos ah ugu leh Maalgelinta, Tababarka iyo Hubeynta Kooxaha Dibadbaxyadda ka wada gudaha Ethiopia.
Waxa uu si gaar ah u magacaabay Dowladda Eritrea ee ay colaadda kala dhexeyso Ethiopia iyo dalka Masar oo ay muran dhanka Biyaha Webiga Nile kala dhexeeya Ethiopia.
Afhayeenka ma uusan sheegin inay Taageeradaasi si toos ah uga imaanayso Hoggaamiyayaasha Dalalkaasi.
Shalay ayey ahayd, markii ay Dowladda Ethiopia u yeertay Safiirka Masar u jooga Addis Abeba, oo ay u gudbisay Tuhunka la xiriira inay Masar ku lug leedahay Dibadbaxyadda Rabshadaha wata ee ay Qowmiyadaha Oromiya iyo Amxaaradda ka wadaan qeybo ka mid ah Ethiopia.
Kooxaha Xuquuda Aadanaha ayaa rumeysan inay in ka badan 500 oo qof ku geeriyoodeen Rabshadaasi.
Dowladda Ethiopia waxay Xukun Degdeg ah ku soo rogtay dalkaasi, kaasi oo socon doona muddo 6 bilood ah.
©Radio Dalsan