Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen in Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, Daa’uud Aweys Jaamac loo magacaabay La-taliyaha Sare ee dhinaca Siyaasadda ee Xafiiska QM ee Arrimaha Somalia (UNSOM).
Daa’uud Aweys waxa uu horey muddo dheer uga mid ahaa Bahda Saxaafadda, wuxuuna ka soo shaqeeyey Warbaahino Caalami ah oo ay ka midd yihiin Laanta Afafka Sawaaxiliga iyo English-ka ee Idaacadda BBC-London iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.
Ma cadda sababaha rasmiga ee uu Daa’uud Aweys uga tegay Shaqada Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia oo uu dhowr sanno hayey.
Dhinaca kale, Madaxtooyadda weli kama hadlin Shaqo-ka-tegista Afhayeenkii Madaxtooyadda iyo haddii Afhayeen Cusub la magacaabi doono.
©Radio Dalsan