• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Soomaaliya oo booqday Kaamamka Barakacyaasha Doolow

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 20, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Soomaaliya oo booqday Kaamamka Barakacyaasha Doolow
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliya, ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Xubno ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku diba-ridka Arrimaha Bini’aadannimo [OCHA], ayaa sidoo kale ergayga ku wehliyay socdaalka shaqo, kaasoo ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen.

Ugu horreyn ergeyga ayaa Maamulka gobolka iyo kan degmada ka dhageystay warbixinta xaaladaha abaareed ee ka taagan guud ahaan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow oo dhacda koonfurta Soomaaliya.

Ergeygu wuxuu kormeer ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla gudaha iyo duleedka magaaada, Sida; Xerada Kabaaso, oo barakacayaasha ku jiraa u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Doolow waa magaalo marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, kadib afar xilli roobaad oo baaqday. cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.

Dhawaan Warbaahinta ayaa si weyn u tabisay sheekooyinka Hooyo Xaawo Keerow oo gaajo awgeed diirka dhirta oo la tumey biyo kulul ku darsatey iyo Kaafiya Nuur oo ka dul-tagi weysay qabriga walaalaheed mataano ah, Ceebla iyo Cabdiya oo gaajo ugu geeriyooday Doolow.

Socdaalkaan ayaa ka dhigan midkii Saddexaad ee ergaygu ku tago gobollada dalka, isagoo u kuur-galaya xaaladaha bani’aadannimo, wuxuuna hore u booqday Baydhabo iyo Buulo-burde, oo barakacayaal baaxad leh oo ku sugan ay garab istaag buuxa u baahan yihiin.

Ergayga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax hasyta, Dowladda, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay degdeg gurmadka u gaar siiyaan dadka tabaalaysan, si macaluusha soo wajahan loga hor tago.

Previous Post

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 20/6/2022

Next Post

In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar qowmiyadeed ka dhacay Itoobiya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada...

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu...

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane...

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
  • Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
  • Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
  • Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00