Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo ay wehlniiyaan La-taliyayaal Somali iyo Qareeno Caalami oo lagu kala magacaabo Paul Reichler oo u dhashay Maraykanka iyo Professor Allain Pellet oo u dhashay Faransiiska ayaa maanta hor tegi doona Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ ee magaalladda Hague ee dalka Holland.
Somalia waxay Lahaanshaha Xuduud-baddeedkaasi u cuskatay Qoddobadda 15, 74 iyo 83 ee Heshiiska QM ee Sharciga Baddaha oo la soo saaray sannadkii 1982-kii oo ay Dowladaha Somalia iyo Kenya wada saxiixeen sannadkii 1989-kii.
Dowladda Somalia ayaa doonaysa in dib loo calaamadeeyo Xuduudka badda ee Kenya kala wadaagaan Badweynta Hindiya, iyadoo lagu salaynayo Xuduudka Berriga ee ay Labada Waddan wadaagaan.
Balse, Dowladda Kenya ayaa ka biyo diidsan in Xuduud-baddeedka lagu saleeyo Jihada uu ka soo bilaabanayo Xuduudka Berriga ee ay labada dal
Shalay ayey ahayd, markii ay Ergadda Dowladda Kenya oo uu horkacayey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya ay hor tageen Maxkamadda ICJ oo ay u gudbiyeen Aragtida Sharciga ee ay ku sheeganayaan Lahaanshaha Xuduud-baddeedka lagu muransan yahay.
Xeer-ilaaliyaha Kenya iyo mid ka mid ah Qareenadda Caalamiga ee difaacaya Kenya ayaa u sheegay Xeer-beegtida ICJ inaysan habboonayn inay Maxkamadda ICJ dhegeysto Garnaqsiga Dacwadda Somalia iyo Kenya, waxayna sheegeen inay hayaan Qoraal Heshiis Is-faham (MoU) oo ay Labada Dowladood ka gaareen Muranka Xuduud-baddeedka.
Qareenka u dhashay Britain ee Kariim Axmed Khaan ayaa ku dooday in mid ka mid ah Saxiixayaasha Somalia ee Heshiiskaaasi uu weli joogo, isla markaana aysan jirin sabab ay Somalia uga laabato Heshiiskaasi.
Dowladda Somalia ayaa ku adkaysanayso inuu Heshiiskaasi wax kama jiraan yahay, maadaama ay Mudanayaasha Barlamaanka Somalia u codeeyeen inuusan Heshiiskaasi ansax ahayn, isla markaana aanu waafaqsanayn Dastuurka Federalka Somalia.
Xiisadda Muran-baddeedka Somalia iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii July ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayleh ka hadlay muranka Xuduud-baddeedkaasi oo masaafadiisu dhan tahay 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.
Waxaa la rumeysan yahay in ay Kaydad badan oo Kalluun, Shidaal iyo Kheyraad kale dhex ceegaagaan Xuduud-baddeedkaasi, iyadoo Dowladda Kenya bilowday inay Shirkaddo shisheeye ka hawl-galaan xuduud-baddeedka lagu muran yahay.
Dowladda Somalia ayaa doonaysa in dib loo calaamadeeyo Xuduudka badda ee Kenya kala wadaagaan Badweynta Hindiya, iyadoo lagu salaynayo Xuduudka Berriga ee ay Labada Waddan wadaagaan.
Balse, Dowladda Kenya ayaa ka biyo diidsan in Xuduud-baddeedka lagu saleeyo Jihada uu ka soo bilaabanayo Xuduudka Berriga ee ay labada dal
Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad loogu rajo weyn yahay inay Somalia ku guuleysato Dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ, iyadoo ay Dowladdaha Caalamka og yihiin inay Somalia leedahay xuduud-baddeed uu dheer Qaraadda Afrika, kaasi oo dhererkiisu dhan yahay 3,333 KM oo isku wareeg ah.
©Radio Dalsan