Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysigii ugu horreeyey ee uu Warbaahin Caalami ah siiyo, tan iyo markii uu fashilmay Isku-daygii looga tuuri lahaa Xilka.
Isagoo la hadlayey Telefishinka Aljazeera ayuu sheegay inaysan wax khatar ah ku jirin Dimuqraadiyada dalkiisa, isla markaana uu dalkiisa ku sii nagaan doono Nidaamka Barlamaanka Dimuqraadiga ah.
Madaxweyne Erdogan waxa uu ku dhawaaqay in dalka Turkiga lagu soo rogay Xukun Degdeg oo socon doona muddo 3 bilood ah, kaasi oo uu xusay in looga hortegayo Cabsida Argagixisadda ku hayaan dalkiisa iyo in Milliteriga la nadiifiyo Fayriska ku dhex jira.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay inay dhici karto inay dalal shisheeyekale ku lug lahaayeen Afgembiga Fashilmay, inkastoo uusan carabaabin Dalalkaasi.
©Radio Dalsan