Guddi ka tirsan QM ayaa soo saartay qoraal lagu sheegay inaysan Shirkadda Soma Oil and Gas ee uu Madaxda ka yahay Xoghayihii hore ee Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, Michael Howard wax xiriir ah lala lahayn Alshabaab iyo Kooxaha kale ee ku sugan gudaha Somalia.
Agaasimaha Shirkadda Soma Oil and Gas ugu qaabilsan Qaaradda Afrika, Xasan Kheyre oo ah Muwaadin Somali haysta Dhalashadda Norway ayaa ahaa Ninka ay sida gaarka ah baaritaanadda ugu hayeen Dowladaha Britain, Norway iyo Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The UN Somalia and Eritrea Monitoring Group).
Baaritaanadda ayaa bilowday bishii Maarso ee la soo dhaafay, kadib, markii ay Kooxda QM sheegeen inuu tuhun ka jiro inuu Agaasimaha Soma Oil and Gas ee Qaraadda Afrika, Xasan Kheyre xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab.
Wargeyska BuzzFeed News ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray inay arkeen Qoraalka Guddiga QM ay u direen Golaha Ammaanka ee QM oo lagu xaqiijiyey inay Shirkadda Soma Oil and Gas nadiif ka yihiin Eedeymihii lagu soo oogay.
Qoraal ay Kooxda Baarayaasha QM ee Somalia iyo Eritrea ayaa lagu muujiyey inuu dhamaaday baaritaankii tuhunka ee lagu qabay inuu Agaasimaha shirkaddaasi ugu qaabilsan Qaaradda Africa, Xasan Kheyre gacan-saar la leeyihiin Alshabaab.
Dhinaca kale, Afhayeenka QM ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo Hawsha socota ee Guddiga Baaritaanka Shirkaddaa Soma Oil and Gas.
©Radio Dalsan