Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in ay wnaagsan taahy in waaxyaha kala duwan ee dowladda Qof walba Shaqadiisa loo daayo islamarkaana aanan lagu faragelin.
Waxa uu sheegay in hadii ay dhacdo in ay isku milmaan Xukuumada iyo Baarlamaanka islamarkaana Shaqadii Garsoorka ay Xukuumada faraha lagasho Shaqadii xukuumaddaan uu garsoorka faraha la galo aysan dadka Sooamaliyeed dhibaatada ka bixi doonin.
Waxa uu sheegay in dalkeena uu yahay mid barwaaqo ah islamarkaana aanu ka baahan nahay balse ay wanagsan tahay in Hay’ad walba oo ka tirsan dowladda ay si siman wax u qeybsadaan waaxda Garsoorkana ay qeyb ka noqdaan.
Hadalkaan ayaa Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxa uu ka sheegay munaasabad tababar loogu furayay Boqol ka mid ah Waaxda Garsoorka dalka oo shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka