Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shir ka qabsoomay Zambia

Wasiiru-Dowladaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Dhucle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Livingstone ee Dalka Zambia uga qeyb galay shirka 8-aad ee Wasiiradda Dekadaha iyo  Gaadiidka Badda ee urur goballeedka ISCOS.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray isku xirnaanta Gaadiidka Badda dalalka barriga iyo bartamaha Afrika, Kor uqaadida xirfadlayaasha Badda iyo ilaalinta badqabka gaadiidka Badaha.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay sidii looga gacan siin lahaa ilaalinta badqabka gaadiidka Badda iyo kor u qaadida aqoonta xirfadlayaasha Badda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor