Taliska Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilkii loo gaystay sarkaal ka tirsanaa Dowladda-hoose ee caasimadda Garoowe.
Dadka lasoo qabtay ayaa tiradoodu waxaa ay gaaraysaa ilaa iyo afar qof oo saddex Dumar tahay kuwaasi oo ku eedaysan dilka Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Dowladda-hoose ee caasimadda Garoowe, ee maamulka Puntland, waxaana dilku uu dhacay xalay, sida boolisku sheegeen.
Ciidamada booliska oo kaashanaya kuwa sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha magaalada ka sameyeen howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeyay dilka marxuumka oo xiliga goobta ka baxsaday.
baritaan dheer ka dib waxaa ciidamada gacanta ku soo dhigeen eedeysane Cabdikaafi ibraahim aadan iyo 3 dumara oo eedeysanaha ku wehelinayay dilka marxuumka.
Taliyaha qaybta booliska gobalka nugaal g/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada booliska kuwa sirdoonka iyo bulshada oo gacan wayn ka gaystay.
Taliyaha qaybta booliska ayaa sheegay in cid walba oo fal gaysata aysan ka baxsan doonin ciidamada amaanka waxana uu bulshada uga mahadceliyay sida ay ciidamada ula shaqeyaan.