Duulimaadkii Diyaaradaha Caasimadda Nigeria ee Abuuja oo hakad ku jira

Duulimaadyo dhowr ah ayaa la baajiyay garoonka caalamiga ah ee Nnamdi Azikiwe ee dalka Nigeria ee ku yaala caasimadda Abuja ka dib markii uu shil diyaaradeed halkasi ka dhacay , taasoo curyaamisay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Duulimaadka Max Air 737-400 ayaa waxaa ka qarxay taayir waxayna ka soo duushay magaalada Yola, ee waqooyi bari gobolka Adamawa ee dalka Nigeria.

Maamulka shirkadda Max Air ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii diyaaradda oo ahaa 143 qof, ilmo yar iyo lix shaqaale ah oo diyaaradda la socday si nabad ah looga saaray, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dhacdadan ayaa keentay duulimaadyo badan oo la baajiyay iyo dib u dhac ku yimid guud ahaan dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply