Faah Faahin:- Dagaal ka dhacay Galbeedka Magaalada Laascaanood

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal Xooggan oo ka dhacay duleedka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Millateriga Somaliland iyo Kuwa SSC.

Wararka aaya sheegaya in Xalay daryanka Madaafiicda laga maqlayay Jihada Galbeed ee magaalada Laascaano, waxaana dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan.

Goobjoogayaal ku sugan Laascaanood ayaa sheegay inay Xalay maqlayeen dhawaqa Rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayen,waxaana ay soo sheegayaan in dagaalkaasi ay macquul tahay in Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay.

Labad dhinac wax war ah kama soo saarin dagaalakasi la sheegay inuu ka dhacay Galbeedka Laascaanood, waxaana la aaminsan yahay in khasare jiro maaddaama dagaalki xoogganaa sida dadka degaanku ay kusoo warramayaan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor