Guddooomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Agaasimaha waaxda Waxbarashada ee dowlada hoose ee Xamar.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa Agaasimaha waaxda Waxbarashada ee dowlada hoose loogu magacaabay inuu noqdo Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur, isagoo bedelaya Agaasimihii hore ee waaxdaasi Cabdinaasir Rooble Abuukar oo xilka qaadis lagu sameeyay.
Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in xeerkan uu dhaqan galayo markii uu saxiixo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuuna saxiixay.