Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta waxaa kulankii ugu horeeyay ku yeeshay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Gobobleedka Galmudug.
Kulanka Xildhibaanada ayaa intii uu socday waxaa ay ku doorteen Guddoomiye KMG ah, kaasi oo laga dhigay Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanadii dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sh Axmed.
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa cod gacan taag ah u qaaday Guddoomiyaha KMG ah, waxaana uu soo magacaabi doonaa Guddiga Doorashada Guddoonka rasmiga ah ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug.
Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa horyaalo shaqooyin adag iyo soo doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo waliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.