Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah oo isugu jiray soo dhaweyn iyo isxogwareysi la qaatay Duq-yaasha magaalooyinka, Jowhar, Qardho, Cadaado, Af-Madow, Lataliyaha arrimaha Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Agaasimaha Guud ee qeybta Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaaale ayaa warbixin ka dhageestay Mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay kuwaas oo dhawaan Dalka Jaban uga qeyb galay Kulan Aqoon kororsi ah, iyada oo la isku afgartay in wax yaabihii ay kasoo faa’ideen Jaban si ficil ah ay uga fuliyaan Magaalooyinka ay Madaxda u yihiin.

Waxaa sidoo kale la isku afgartay in la xoojiyo xiriir adag oo ku saabsan Iskaashi iyo wax wada qabsi dhex-mara magaalada Caasimadda ee JFS iyo magaalooyinka kale ee maamul Goboleed-yada Dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor