Dunida Muslimka oo maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee Ramadan

Dunida Muslimka ayaa maanta laga sooman yahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan kadib markii xalay laga arkay dalal badan bisha Soonka.

Boqortooyada Saduudiga ayaa xalay marsii horeysay ku dhawaaqday salaada Taraawiixda si Maanta loo soomo kadib markii bisha laga arkay dalkasi.

Golaha Sare ee Garsoorka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in Maanta ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadan 6 june 2016 kuna beegan 1 Ramadan 1437.

Dowlada Soomaaliya ayaa xalay sido kale ku dhawaaqday in Maanta Soomaaliya oo dhan ay ka tahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.

in ka badan 1.5 bilyan oo muslimiin ah ayaa la filaya iney gutan waajibka bisha barakeysan ee Ramadan caalamka oo dhan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor